FeaturedSomali News

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay mid ka mida Dadkii soo maleegay Weerarkii Hotel Saxafi

Story Highlights

  • Qof ka mida dadkii soo maleegay weerarkii Hotel Saxafi oo la qabtay
  • Weerarkii Hotel Saxafi 9 Novembar waxaa ku dhintay 52 qof iyo Dhaawac 106

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay mid ka mida dadkii soo maleegay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ee 9-kii Novembar 2018.

Qoraal kasoo baxay NISA oo lagu qoray Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan si taxadar leh loo fuliyay, isla markaasina qofkan oo aan la shaacin magaciisa iyo cidda uu ka tirsan yahay lagu wareejinayo hay’adaha garsoorka dalka si sharciga loo horgeeyo.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA .

 

Weerarka Alshabaab sheegatay ee lagu qaaday hotel Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 52 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 106 kale, waxaana hotelka lagu weerarray saddex gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Tags
Close
Close