Somali News

Ciidamada NISA oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab oo diyaarinayey Qaraxyo

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga Ex-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin AlShabab ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan, Howlgalka cidi wax kuma noqon, Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Close
Close