Somali News

Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku qabtay Sarkaal sare oo Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay howlgal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu soo qabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalka NISA oo xalay  ka dhacay gagaarka Ex-control sida ay Hay’adda NISA sheegtay ayaa lagu soo qabtay khabiir Qaraxyada u qaabilsanaa kooxda Alshabaab, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey howlgalka iyo magaca ninka la soo qabtay.

“Hawgal saacado qaatay oo si taxadar leh loo qorsheeyay, kana dhacay agagaarka Ex-control magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin Al Shabaab ka tirsan oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeennimada 27-ka September, hawlgalka cidi wax kuma noqon”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA .

Tags
Close
Close