Somali News

Ciidamada Xoogga Dalka oo shaaciyey inay ku fureen Wadadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marko

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen Gobolka Shabellaha Hoose ay  fureen wadadda xeebta ah e isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage  aya sheegay in  ciidamadu ay sameeyeen howlgallo ay shacabka Soomaaliyeed uga dulqaadayeen Al-shabaab, iyadoo la isku furay jidka Xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Abaanduulaha aya sheegay inay  dhammaatay dhibaatadii Al-shabaab ku hayeen dadka ku safra wadadda xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marko, iyadoo qorshaha ciidanka xoogga dalka uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa dhammaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Tags
Back to top button
Close
Close