Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Ciidamadii ugu badnaa ee Booliska oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho & Howlgallo ka socda

Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si weyn u xoojiyey howlagallada Amniga iyo  baaritaannada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho xilli ay xilka taliska Booliska kusimenimo u heyso taliye ku xigeenka Zakiyo Xuseen.

Ciidamo badan oo Boolis ah oo wata gaadiid kala duwan ayaa la dhigay wadooyinka Muqdisho intooda badan, waxayna si taxadar leh u baarayaan gawaarida kala duwan, howlgallada ay ciidamadu wadaan saaka ayaa laga daraamay isgoysyada Muqdisho, iyadoo qaab cusub u baaraya gaadiidka iyo dadka wata.

Ciidamada Booliska ayaa ah kuwo saaxiib la ah dadweyne oo asluubtoodu fiican tahay, iyagoo ka duwan c ciidamdii hore ee nabadgelyada magaalada qaabilsanaa, waxaana yaraaday saxmadii badneyd iyo cabashadii dadweynaha ku qabeen wadooyinka xiran.

Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa iminka toos ah loogu wareejiyay Ciidamada Booliska Soomaaliya oo jid waliba, taagan, waxaana muuqata in hoggaanka cusub uu sii xoojiyey howlaha sugidda amniga caasimadda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media