Somali News

Ciidammada Kenya oo dhallinyaro kulaayay qaarna ku afduubtay deegaan ku dhow Ceelwaaq.

 

Ugu yaraan hal nin oo dhallinyaro ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu geeriyooday  halka laba kalena ay dhaawacmeen kadib markii ciidammada Kenya ee qaybta ka ah Amison ay rasaas oodda kaga qaadeen guri ay ku sugnaayeen dhallinyaro badan oo kuyaalla degaanka Yadoo oo 25 km Waqooyi-Bari kaga began degmada Ceelwaaq.

 

 

Nabadoon Barre Qorane Ducaale oo ka mid ah nabadoonada deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo wata saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ay soo weerareen guri ku yaalla deegaanka Yadoo oo dhalinyaro ku sugnaayeen.

Waxaa uu sheegay in rasaas ay ku fureen ay sababtay geerida wiil uu dhalay iyo dhaawaca labo kale, sidoo kalena qafaashay saddex dhalinyaro oo uu ku jiray wiil uu adeer u ahaa.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay ahaayeen xoolo dhaqato, waxaana uu meesha ka saaray in wax xiriir ah la lahaayeen Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada xuduudka, waxaana muddo jiray tacadiyo ciidanka Kenya u geysanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan agagaarka Xuduuda, iyadoo ay jirtay dhowr jeer oo ay duqeyn ku dileen dad shacab ah.

 

Back to top button