FeaturedSomali News

Ciidammada Kenya, oo isgaarsiinta ka jaray 15 deegaan oo katirsan gobolka Gedo.

 

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee  Koonfurta dalka Soomaaliya,  ayaa sheegaya in ilaa 15 deegaan oo ka tirsan gobolkaasi ay ku jiraan xaalad is gaarsiin la’aan ah.

Majiraan waxa taleefan ah oo lagula xiriiri karo deegaannadaasi sida oo kale adeegyada ay bixiso shirka Hormuud ee EVC ayaan iyaguna shaqaynayn.

 

Ciidamada Kenya ee soo galay deegaankaasi, ayaa lagu soo warramayaa in ay gooyeen isgaarsiintii ka jirtay halkaasi. Waxaana jira muddo haraaddo ay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo kaga soo horjeedaan dilalka foosha xun ee ciidammada Kenya ay kula kacayaan shacabka aan waxba galabsan.

 

Xaaladda gobolka Gedo, ayaa soo xumaanaysay maalmahan ugu dambeeyay, waxaana jira dagaallo dhexmaray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan xuduudka labada dal.

 

Arroor yadii hore ee saaka, ayaa lasoo sheegay in cutubyo katirsan ciidammada millateriga ee Kenya  ay gudaha usoo galeen gobolka Gedo iyaga oo sheegay in ay raad joogaan afar qof oo aan muslim ahayn oo laga soo afduubtay magaalada Mandheera.

Back to top button