Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Ciidamo gaaraya 3000 oo loo diyaariyey inay ka howlgaan Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya iyo  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan amni la yeeshay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka, Taliyeyaasha ciidanka booliska iyo Guddiga abaabulka  iyowacyigelinta, kaasoo looga hadlay arrimaha Amniga caasimadda.

Waxaa lasoo bandhigay 3,000 kun oo askari oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan Nabadgelyada Degmooyinka iyo caasimadda Muqdisho, iyadoo lagu soo kordhiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir, si ay u xaqiijiyaan amniga.

Wasiirka Amniga ee Xumuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in mas’uulka degmo kasta lagula xisaabtami doono shaqadiisa dhinaca amniga magaalada ee loo xilsaaray, iyadoo aan cidna lagala gorgortami doonin sugidda Nabadgelyada.

Wasiirka ayaa sheegay in kormeero joogto ah ay jiri doonaan, 24-ka saacna ay shaqeyn doonaan ciidamada iyo madaxda Gobolka iyo Wasaaradda Amniga si isbedel looga sameeyo xaaladda amniga magaalada Muqdisho.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media