Somali News

Ciidamo ka socda Kenya oo Ku soo wajahan Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 600 oo askarteeda difaaca ka mid ah loo daabulayo Soomaaliya maalmaha soo socda.

Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in 600 boqol oo Askari ay tababarayaan Ciidamada Ingiriiska ee dowladda Kenya ka caawiya la dagaallanka Aragixisada una tababara Ciidamada.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhawaan sheegtay in ay dowladda Kenya u dhiseyso 17 saldhig Ciidan oo laga dhisayo sohdinta Soomaaliya si ciidamada Kenya ay halkaas uga ilaaliyaan dhaq dhaqaaqa Al-shabab.

Kenya ayaa dhawaan diidday in Ciidamada Mareykanka ee Afrika ay duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyaan gudaha dalkeeda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in sinaba aysan dowladdiisu u oggolaaneyn in Ciidamada Mareykanka ay duqeyn ka fuliyaan gudaha dalkiisa.

Waxaa uu sheegay in weerarrada Al-shabaab ee gudaha Kenya hoos loo dhigay dowladdiisana ay dadaal badan ku bixisay arrintaas.

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa waxaa ay dhawaan sheegeen in wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ka codsadeen in loo ogolaado weerarro ka dhan ah Al-shabaab in ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

Back to top button