Somali News

Ciidamo ka wada tirsan Galmduug oo ku dagaalamay duleedka magaalada Cadaado iyo Qasaare ka dhashay

Iska hor imaad dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Galmudug ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamaulkaasi oo khilaafaad siyaasadeed ay hareeyeen.

Dagaalka labada ciidan ayaa socday waqtim isagoo u dhaxeeyey ciidamo kasoo yimid magaalada Gaalkacyo oo uu watay nin magaciisa lagu sheegay Liibaan Shuluq, kuwaaso ay jidgooyo ku sameeyeen ciidan ka tegay Cadaado, waxayna labada ciidan is-rasaaseyn ku dhex martay inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Cadaado.

Wararka ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay hal askarim halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana meydka iyo dhaawac askarta la geeyey degaankaGalinsoor.

Ninkan lagu magacaabo Liibaan shuluq ayaa sidoo kale todobaadkii hore sidan oo kale isku dayey inuu ciidan kasoo kaxeeyo Gaalkacyo, taasoo ay ka hor yimaadeen Waxgaradaka iyo Nabddoonadda magaalada Gaalkacyo, wuxuuna taabcsan yahay madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Tags
Back to top button
Close
Close