Somali News

Ciidan farabadan oo tababar looga furay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho tababar uga furtay 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafladdii tababarka lagu furayay waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.

Turkiga ayaa gacanta Ku haya tababarka Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Waa dufcadii 6aad oo loo tababarayo ciidanka lugta. Tababarkaan ayaa la filayaa inuu sii socda illaa bisha march ee sanadka 2021, wiuxuuna leeyahay qeybo kala duwan.

Dowladda Turkiga ayaa tababartay saddex meelood meel kamid ah ciidamada militariga Soomaaliya, oo lagu qiyaasay tiradoodu inay tahay 15,000-16,000, askari

 

Back to top button