Somali News

Ciidan gadoodsan oo qabsaday Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan heysata muddo Afar bilood ah ayaa la wareegay Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ku taalla Magaalada Boosaaso

Ciidamada gadoodsan ayaa xiray dhammaan wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa xarunta ay la wareegeen, waxa ayna xarunta wasaaradda ku dhex xannibeen wasiir ku xigeenka wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo xubna kale oo ka shaqeynayay.

Dhowr jeer ayaa sidan oo kale ciidamo careysan ula wareegeen xarumaha muhiimka ah sida Bangiyada, wasaaradaha iyo meelo la mid ah.

Back to top button