Somali News

Ciidan ka tirsan Gorgor oo tababar loogu qaaday Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Maanta muqdisho ka Sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad Ee kumaandooska Gorgor oo Tababar ku soo qaadanaya Dalka Turkiga ,
Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in DFS ay muhiimad gaar ah siisay dib-u-dhiska Ciidamada qalabka Sida ,
“Dadka iyo dalka soomaaliyeed ayaad u soo Tababaraneysaan, Ciidan qaran ayaad tihiin , Waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku noqotaan idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday ,Dowladda Turkigana waan ugu mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee ay Dowladeenna la garab taagantahay “ ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji

Back to top button