FeaturedSomali News

Ciidanka Booliiska Puntland, oo gacanta ku dhigay rag dilay taliyihii booliiska ee Degmada Carmo.

 

Taliska Ciidammada Booliiska Puntland ee qaybta Gobolka Bari, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen dablay ka dambeysay dilka taliyihii rugta Booliiska ee Degmada Carmo.

 

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dablay hubaysan oo degmada Carmo ku dilay taliyihii rugta Booliiska ee degmadaasi.

Taliyuhu, waxaa uu sheegay in shacabka degmada ay ciidanka booliiska gacan ka siiyeen soo qabashada ragga la sheegay in ay dilka geysteen.

“ Waxa xalay xilli-dambe degmada Carmo meel kamida lagu dilay taliyihii rugtaas xukumayay. Ciidanka booliisku gacanta ayay ku soo dhigeen raggii dilkaas geystay. Isagii hadda ayaa la’aasay”  Ayuu yiri G/sare. Xuseen Cali Maxamuud.

Taliyaha, ayaa tacsi u diray ehelada sarkaalka lagu dilay degmada Carmo.

 

Back to top button