Somali News

Ciidanka Cirka Itoobiya oo qaatay dhallinyaro Soomaali ah

Markii ugu horreysay Taliska Ciidanka Cirka ee Waddanka Itoobiya ayaa qaatay dhallinyaro Soomaali ah oo ka soo jeeda Dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhallinyaradan ayaa ka mid noqonaya Ciidamada Difaaca Cirka ee Waddanka Itoobiya waxaana ay qeyb ka tahay isbeddelka dhinaca Ciidanka ah ee Waddanka Itoobiya.

Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.

Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.

Back to top button