Somali News

Ciidanka DANAB oo sheegay in ay Gubeen Gaari Qarax lagu diyaariyay,Sawirro

Ciidamada Dolwadda Federaalka ah gaar ahaanna kuwa DANAB ayaa sheegay in ay gubeen Gaari lagu buuxiyay walxaha qarxa oo lagu diyaariyay Tooratoorow.

War ay soo saareen Ciidamada DANAB ayaa u dhignaa.

“Ciidanka Kumaandooka Xoogga Dalka ee Danab ayaa Saaka Aroortii Howlgal Qorshaysan ka fuliyay Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabelada Hoose ayaa Fashiliyey Gaari qarax ah oo noociisu yahay Saaruf.

Ciidanka Danab oo sii Hayey Xogta Gaariga qarax ah inuu ku diyaarsanyahay halkaas ayaa Qarxiyay gaarigaas waxaana ku dhintay Dhagar qabihii waday gaariga oo katirsanaa Al-Shabaab sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Ciidanka xoogga Dalka gaarahaan kumaandooska ayaa sidookale Degaanka Tooratooroow iyo Degaanada kale ee udhow waxay kawadaan howlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab”.
May be an image of outdoors
May be an image of outdoors
May be an image of sky
Back to top button