Somali News

Ciidanka DF oo soo Bandhigay Rag ka tirsan AL shabaab

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay Rag ka tirsan AL shabaab oo isu dhiibay Ciidamada ku sugan Shabeellaha hoose.

Saraakiisha Ciidamada 14ka October ee ku sugan maagaalada Marka ayaa soo bandhigay laba xubnood oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al shabaab iskuna dhiibeen.

Laba xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ayaa magacyadooda ku kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, iyagoona tilmaamay inay u qaabilsanaayeen dhinaca amniyaadka ee fuliya dilalka qorsheysan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugan gobollada ayaa dhowr jeer soo bandhigay xubno ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al shabaab.

Al shabaab wali kama hadlin hadalka ka soo baxay Saraakiisha 14ka October ee ku sugan magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Back to top button