Somali News

Ciidanka Dowladda oo sheegay in ay dileen hoggaamiyayaal ka tirsan Al shabab

Howlgal Qorsheysan oo lagu diley Hoggaamiyayaal ka torsanaa Al shabab ayaa Ciidanka Dowladda  ka sameyeen Deegaanka Saydheelow ee Gobolka Baay.
Howlgalkan Qorsheysan oo ay si wadajir ah ufuliyeen Ciidanka Qalabka Sida Qeybihiisa kala Duwan kuwaasi oo isugu jira Nabadsugida , Booliska ,Iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana Hawlgalka Ciidamada ay ka Fuliyeen Deegaanka Saydheelow oo Kudhawaad 30-Km ujira Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.

Howlka intii uu socodey ayaa deegaanka Dagaal kooban ku dhex marey Ciidamada Iyo Alshabab kaasi oo ka dhashey Khasaaro isugu jirta Dhimisho iyo Dhaawac.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in Alshabab looga diley 7 Qof oo isugu jira 3 Saraakiil Sare Sare ah iyo Afar dagaallame ah waxana labo ka mid meydadka Saraakiisha La geeyay Baydhabo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Gaashanle Sare Cabdi Ibrahim Shaamow Abdi dhare oo la hadley Warbahinta ayaa Faafaahin ka bixiyay howlgallada ay ka sameeyeen Gobolka Baay.

Back to top button