Somali News

Ciidanka Kenya ee ku sugan Jubbooyinka oo laga tallaalay Covid19

Dolwadda Kenya ayaa billowday in Ciidamadeeda ku jira AMISOM ay qaataan tallaalka Covid19 si looga hortago in caabuqa ku faafo askarta iyo dadka ay la noolyihiin.

Taliyaha qeybta 2aad ee AMISOM Jeff Nyaga, ayaa billaabay qaadashada tallaalka Covid19 waxaana uu kaddib amrya askarta hoostagta in ay qaataan.

‘Dhamaan shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Xarunta qeybta 2aad ee AMISOM ee DHoobley iyo askartuba waa in ay qaataan tallaalka si aan u xoojino awooddeena difaaca jirka ugana hortagno caabuqa Covid19 ” ayuu yiri Jeff Nyaga.

Wasiirka Difaaca Kenya Munica Juma ayaa 11kii March Magaalada Nairobi ka daahfurtay qaadashada tallaalka Covid19 ee Ciidamada Kenya.

Back to top button