Somali News

Ciidanka Kenya oo wali heysta shan qof oo Soomaali ah

Ciidamada Waddanka Kenya ayaa gacanta Ku haya shan ka mid ah 8 qof oo ay bishan billowgeedii ka qafaasheen Magaalada Ceelwaaq.

Ciidanka Kenya ayaa shalay sii daayay saddex ka mid ah 8 da qof waxaana wali gacanta ugu jira shan kale.

Sidoo kale Ciidanka Kenya ayaa dilay qof kale oo rayid ahaa isla xilligaas taas oo abuurtay banaanbax rabshado wata.

Waxaa sidoo kale xadbeenaadka ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo Kuwa Kenyaatiga ah ee fadhiga Ku leh Mandheera.

Xiriirka labada Dal ayaan wanaagsaneyn sanadihii dambe kaddib caro Kenya ay ka qaaday dacwadda Badda ee Soomaaliya ay geysay ICJ sanadkii 2014kii.

Back to top button