Somali News

Ciidanka Puntland oo gacanta Ku dhigay Hub dharci darro ah

Ciidamada amaanka badda ee loo yaqaan PSF-ta dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si sharci darro ah la rabay in lagu geliyo deegaannada Puntland.

Ciidanka gacanta ku soo dhigay hubka ayaa sheegay howlgal dhanka badda ah oo ay ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo & Cadcado ay ku soo qabteen hubkaan oo aysan sheegin inta uu gaarsiisan yahay, nuucyadiisa iyo u jeedka laga lahaa.

Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dadka lagu soo qabtay hubka iyo halka loo waday.

“Ciidanka PSF waxa ay hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado si ay uga hortagaan kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay ciidanka PSF heleen xog-tooda” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta gaarka ah ee Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Back to top button