Somali News

Ciidankii lagu qabtay Baladxaawo oo la geeyay Doolow

Ciidamadii Jubaland ee dhawaan lagu qabtay Dagaalkii Baladxaawo ayaa laga dejiyay Magaalada Doolow ee isla Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Ciidamadaas oo tiradooda lagu sheegay 100 Askari ayaa waxaa lagu qabtay dagaalkii ay la galeen dowladda Soomaaliya ee 25kii bishan ka dhacayMagaalada Baladxaawo.

Ciidamadaas ayaa waxaa xukumayay Wasiirka Amniga Jubaland C/rashiid Janan,kaas oo ku sugan  Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dhawaacyada Ciidamada Janan ayaa loo qaaday Nairobi halka kuwo baxsaday la dejiyay xerada Baanyooley ee Magaalada Mandheera taas oo xiisadda uga sii dareysa.

Back to top button