Somali News

Cismaan Barre oo la kulmay Guddiga doorashada Hirshabeelle

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed ayaa maanta la kulmay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka 2aad ee DG Hirshabelle isaga oo u jeediyay taloooyin wax ku ool ah oo la xiriira howlahooda shaqo.

waxaa jira khilaaf xoog leh oo hareeyay hanaanka doorashada Maamulkaasi,inkastoo guddiga uu diyaarinayo doorashooyinka Baarlamaanka haddane waxaa muuqanaya muran hareeyay hanaanka doorashada Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdiwaare ayaa waxaa uu ka horyimid jadwalka doorashada ee ay guddigu dhawaan shaaciyeen.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhismahiisu ahaa afar sano ka hor iyada oo wax Isbeddel ah uusan soo kordhin.

Back to top button