Somali News

Cismaan Barre oo xilka wareejiyay

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Munaasibad maanta ka dhacday Nagaalada Jowhar ayaa waxaa xilka kula wareegay C/xakiin Luqmaan oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Cismaan Barre ayaa ku fashilmay in uu difaacdo kursigiisa waxaana uu ka haray Baarlamaanka Hirshabelle.

Guddoomiyaha cusub oo si aan sharci ahayn ku tagay Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa taageerayay dowladda Soomaaliya.

Madaxerynihii Hirshabelle Naxamed Cabdi Waare ayaa iska casilay xilkaas halka Madaxweyne ku xigeenkiina uu isu sharraxay Xilka Madaxweynaha Hirshabelle.

Back to top button