Somali News

Cuba oo Soomaaliya uga mahadcelisay dadaalka lagu siideynayo dhaqaatiirteeda

Dowladda Cuba ayaa Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya uga mahadcelisay kaalinteeda Ku aaddan dadaalka loogu jiro soodeynta laba dhaqtar oo lagu heysto gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Cuba Bruno Rodriguez, ayaa bartiisa Twitter Ku sheegay in uu u mahadcelinayo dhiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Mr Bruno Rodriguez ayaa sheegay in Wasiir Axmed u damaanad qaaday soo laabashada labada dhaqtar ee lagu heysto gudaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo dalkeedalaga afduubtay ayaa sheegtay in afduubayaasha ay dalbadeen $1.5Milyan oo madaxfurasho ah iyadana ay diidday.

Kenya ayaa sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan Ku jirin bixinta madaxfurasho, Ciidankeedana ay dhaqaatiirtaasi xoog Ku soo furan doonaan.

Back to top button