Somali News

Cuba oo wadahadal la furtay Al shabab

Dowladda Waddanka Cuba ayaa wadahadal aan toos ahayn la furtay Al shabab iyada oo dooneysa siideynta laba dhaqtar oo laga heysto.

Wargeyska Cibercuba ee ka soo baxa dalkaas ayaa cadadkiisa maanta Ku sheegay in wadahadallo dadban ay u furmeen Dowladda Cuba iyo Al shabab.

Labada dhinac waxaa u dhaxeeya koox dullaalliin ah iyo odayaal dhaqan.

Al shabab ayuu wargeysku sheegay in ay dapbanayaan $1.5Milyan oo doollar si ay u siidaayaan Dhaqaatiirta u dhashay dalka Cuba.

Wargeysku waxaa uu sheegay bin Al shabaab ay dhaqaatiirtaas u adeegsadaan daweynta dadka ka dhaawacma sidoo Kalena u tababaraan dhaqaatiir cusub.

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba ayaa shalay bartiista Twitter ka Ku sheegay in dowladda Soomaaliya uu uga mahadcelinayo kaalinteeda la xiriirta sidii lagu siideyn lahaa dhaqaatiirtaas oo sanadkii 2019kii laga qafaashay duleedka Mandheera.

Back to top button