Somali News

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Cumar ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa, waxana xanuunkiisa dartiis siyaasadda Soomaaliya uga baxay wiilka uu dhalay ee Maxamed Cumar Carte.

Carte waxa uu ahaa Ra’isalwasaarihii ugu dambeeyay ee xukuumaddii kacaanka.

waxyaabaha lagu xusuusto waxaa ka mid ah in markii Maamulkii Milatariga jabay uu amar ku bixiyay in Ciidamadu hubka ku wareejiyaan Beelaha taas oo sababtay dagaalka sokeeye ee ilaa maanta aan laga kabsan.

Back to top button