Somali News

Cumar Finish oo muddo kaddib maanta ku soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Cumar Finish ayaa la sheegay in uu xaalad caafimaad darro ugu maqnaa dalka Turkiga halkaas oo lagu dabiibayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kooxda loo yaqaan Milaamiley ee ka qeybgasha soo dhaweynta madaxda Gobolka ayaa ku soo dhaweeyay Airportka Muqdisho.

Intii uu Cumar ka maqnaa gobolka waxaa jiray dhantaal xagga kala sarreynta ah iyada oo Guddoomiye ku xigeennada Maaliyadda iyo arrimaha Bulshada ku tartamayeen qaabilidda dadka imanaya Gobolka.

Back to top button