Somali News
Cumar Finish: “Qofkii af-xirka Covid19 qaadan waaya waa ganaax”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu faray bulshada Caadimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.
Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.