Somali News

Daahir Jeesow: “waa suuragal in maanta aan muddo kordhin sameyno”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay suuragal tahay in maanta ay sameeyaan Muddo kordhinta hay’adaha dastuuriga ah.

“ Maanta wax laga hadlaayo oo muddo kororsi ah majirto, balse hadii 10 Xildhibaan ay mooshin ku keenaan waa la arkayaa, waana suurtogal baarlamaan ayaan nahay inay xildhibaano keenan mooshin muddo kororsi ah ayuu yiri” Xildhbaan Jeesow.
Golaha shacabka ayaa maanta u fadhiya kulan shaki badan abuuray kaas oo xildhibaannada xalay loogu sheegay in laga hadlayo Covid19.
Hayeeshee dadka saadaaliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay suuragaltahay in ajendaha kulanka lagu daro in muddo kordhin loo sameyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
Back to top button