FeaturedSomali News

Daawo dhaqameedka Africa oo la tijaabinayo si COVID-19 loogu adeegsado.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa waxa ay ogolaatay in tijaabo lagu sameeyo daawa dhireedka lagu sameeyo Afrika ee lagula tacaalayo caabuqa uu keeno virus-ka   korona.

 

Hay’addu, waxa ay sheegtay in loo baahanyahay la tixraaco aasaaska daawada kadibna lagu sameeyo tijaabo.

 

Hay’adda Caafimaadka adduunku, waxa ay sheegtay in daawo kasta oo dhaqan ah oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay, si deg deg loo soo saari doono loona adeegsandoon ka hortagga iyo iska daawaynta Coronavirus.

 

 

Madaxweynaha dalka Madagascar  Andry Rajoelina ayaa horey si weyn ugu ammaanay  dawo dhaqameed aan tijaabo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in fayraska ay dawo u tahay in kastoo WHO ay diidaneyd in la isticmaalo wax aan la tijaabin.

 

WHO waxay sheegtay in qaababka cusub ee tijaabada ay tahay arrin lagu dhiiragelinayo saynisyahannada Afrika si ay tijaabo waxtar leh ugu sameeyaa dawada.

 

Tallaabadan waxay ku soo aadeysaa xilli kiisaska coronavirus ee caalamka ay dhaafeen 30 milyan, iyadoo daafaha caalamka ay ugu dhinteen in ka badan 957,000 oo qof.

Illaa 1.3 milyan oo kiis ayaa Afrika laga soo sheegay, waxaana ku dhimatay 33,000.

 

Qiyaas ahaan, 140 nooc oo tallaal oo loo diyaarinayo Covid-19 ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, qaar ka mid ahna waxaa lagu sameeyay tijaabada bini-aadamka.

 

Hase ahaatee ilaa hadda laguma guulaysan in la helo daawada dhabta iyo tallaalka cudurkaasi.

 

 

Back to top button