FeaturedSomali News

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax-dhigay Dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maant dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka oo la sheegay in lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan ee dowladu ku dhawaaqday.

Munaasabada dhagax dhigga dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka ayaa la isugu keenay Shaqaalaha dowladda oo manta lagu amray inay isugu yimaadaan Golaha Murtida iyo Madadaallada ee Tiytaarka, sida ay ku amartay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana la sheegay in muddo sanad ah lagu soo gabagabeyn doono howsha dib u dhiska.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Khamiistii shaaciyey in lacag dhan 2 Milyan oo Doolarka loogu deeqay barnaamijka Is-xilqaan, taasoo lagu bilaabi doono dhismaha Tiyaatarka oo ka mida xarumaha waweyn ee dib loo dhisayo.

Shacabka soomaaliyeed ayay ugu baaqday dowaladda soomaaliya inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu sameynayo xarumaha dowladda ee lagu dhisayo is xilqaan.

 

Tags
Back to top button
Close
Close