FeaturedSomali News

Dab ilaa saaka ka holcaya xaafad ku taalla Boosaaso iyo sababta loo xakamayn waayay | Akhri Xogtan

 

Dab xooggan oo barqadii saakay ka kakacay xaafad ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaan ilaa hadda la maarayn.

Dabka, ayaa lasheegay in abaaro 11-kii barqanimo ee maanta uu ka bilawday bakhaar wayn oo ku yaalla magaalada Boosaaso.  Guriga uu dabku qabsaday oo kuyaal dhul aad ballaadhan isla maraakana ka kooban qaybo kaladuwan , ayaa lasheegay in ay ku kayd sanayd gaas ku jirta  gudaha qayb ka mida dhismaha, waxaana arrintaas ay sababtay in dabku uu sii xoogaysto.

Midkamida dadka ku  nool xaafadda  oo lagu magcaabo Bashiir Maxamed Cumar, ayaa sheegay in goobta ay gaadheen ilaa afar kamida gaadiidka dabka bakhtiiya. Hase ahaatee aan ilaa hadda lagu guulaysan in dabkaas la damiyo.

 

Waxa uu sheegay in ilaa hadda aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhalatay dabkaas  lixda saac ka holcaya xaafadda kutaalla Boosaaso.

 

Back to top button