FeaturedSomali News

Dabkii qabsaday xarunta shiidaalka Dhuusa-mareeb, oo ladamiyay gaadiid la’aan iyo xaddiga khasaaraha ka dhashay.

Dab xooggan oo subaxnimadii saakey qabsaday kaalin shiidaal oo kutaalla magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug, ayaa lagu soo warramayaa in lagu guulaystay demintiisa.

 

Dabka oo aan lasheegin waxa sababay, ayaa geystay khasaare badan oo hantiyeed. Hase ahaatee waxaa la tilmaamay in aanay jirin dad ku geeriyooday.

 

Sida wararku sheegayaan, waxaa jira  dad ku dhaawacmay dabkaasi qabsaday xarunta Keydka shiidaalka ee kutaalla Dhuusa-mareeb.

 

Dabka, ayaa baabi’iyay xarumo ganacsi oo ka agdhaw goobta gubatay.

 

Duqa magaalada Dhuusa-mareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo  waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha dabka, isla markaana uu haatan socdo baaritaanka.

Dabka, ayaa saacado badan sii fidayay. Waxaana lagu guuldarraystay in horey loo bakhtiiyo maadaama aanay magaaladu lahayn gaadiidka dab-damiska.

 

Back to top button