Somali News

Dad ay dhaawaceen Al shabab oo laga soo qaaday Luuq

Ugu yaraan saddex qof oo dhaawac ah ayaa laga soo qaaday Degmada Luuq ee Gobolka nGedo waxaana loo qaaday Baladxaawo kuwaas oo dhaawac ah.

Dadkan ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen Al shabaab xilli ay la socdeen Gaari kuwa dadweynaha ah,waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Qof ka mid ah dadkii la socday Gaarigaas ayaa ku dhintay rasaasta waxaana ku dhaawacmay saddex kale kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Baladxaawo.

Al-shabaab ayaa maamula qeybo ka mid ah Jubaland iyo Gobolka Gedo,waxaana ay mararka qaar waxyeelleeyaan dadka rayidka ah.

Todobaadkii la soo dhaafay 8 qof ayaa ku dhintay markii gaari kuwa dadweynaha ah ay Miino kula kacday Qooqaani halkaas oo khasaare weyn ka dhashay.

Back to top button