Somali News

Dad loo heysto dilka Ganacsade caan ahaa oo lagu qabtay Caabudwaaq

Ugu yaraan shan qof ayaa gacanta lagu soo dhigay kaddib markii ay Howlgal wada jir ah sameeyeen Ciidamo ka kala tirsan Maamullada Balanballe iyo Caabudwaaq.

Shanta qof ee ay hay’adaha amaanka Maamulka Galguduud gacanta ku dhigeen ayaa loo heystaa dil dhawaan loo geystay Nin ganacsade ahaa oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in shanta qof ee lala xiriirinayo dilka Ganacsade  Faadhige Ibraahin Axmed Dhageey, gacanta lagu dhigay isamarkaana dhawaan loo gudbinayo hay’adaha garsoorka Maamulka Galmudug.

Gobolka Galguduud ayaa bilihii la soo dhaafay wajahayay dilal dhinaca qabyaaladda ah iyada oo dad ku dhow labaatan qof loo dilo aano qabiil deegaannada Maamulka Gobolka Galguduud.

Back to top button