Somali News

Dad Rayid ah oo ku dhintay Hoobiyayaal lagu weeraray Xerada Xalane ee Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday halka ay tiro kale ku dhaawacmeen kaddib markii Hoobiyayaal lagu tuuray Xerada Xalane ee ah Saldhigga ugu weyn AMISOM.

Dadka dhintay ayaa ka koobnaa hal qoys waxaana ay kalayihiin Aabbe.Hooyo iyo Cunud ay Umul kula jirtay hooyada dhimatay.

Goobjooge la hadlay Wadani.com ayaa sheegay in sidoo kale qaar ka mid ah Hoobiyayaasha ay ku dhaceen Xerada Xalane maaddaama bartilmaameedku halkaas ahaa.

Waxaa kale oo jira dhaawacyop ka dhashay Hoobiyayaasha iyada oo aanay tirada kala caddeyn ,qaarna loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Dhowr todobaad ka hor ayaa sidan oo kale Hoobiyayaal loogu garaacay Xerada Xalane ee Muqdisho waxaana ay wax yeelllo ka soo gaartay Gaadiid ay lahady AMISOM.

Back to top button