Somali News

Dad rayid ah oo lagu laayay Sh.dhexe.

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaana degmada War-sheekh ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay saddex qof oo rayid ah laba kalena lagu dhaawacay.

Koox hubeysan ayaa weeraray Guri ku yaalla duleedka War-Sheekh waxaana ay halkaa ku dileen Hooyo Umul ahayd, cunuggii ay umusha kula jirtay iyo cunug kale oo saddex jir ahaa.

Waxaa kale oo ay dhaawaceen hooyo iyo cunuggeed oo isla goobta ku sugnaa.

Inkasta oo aanay jirin cid sheegatay haddana waxaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo deegaannadaad ku soo laabtay dhowr jeer oo hore.

Bartamihii sanadkan ayey ahayd markii Culimo Subcinayay la weeraray halkaasna lagu dilay shan ka mid ah culimadii.

Gobola shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku badan aanooyinka qabiillada.

Back to top button