Dagaal ciimmada dawladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Dhuusa-mareeb .

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa galabnimadii maalintii Sabtida ee shalay, waxaa dagaal ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.
Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Miir-dugul iyo Ceel-Cali Mire oo qiyaastii 20-KM koonfur-bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamo ka tirsan guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha guutadaas Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame ay weerar ku qaadeen fariisimo ay si qarsoodi ah halkaas uga sameysteen Al-Shabaab.
Waxaa la soo sheegayaa in dib loo riixay dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab oo dagaalka looga taag roonaaday, waxaana jira khasaare soo gaaray labada dhinacba in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay.