FeaturedSomali News

Dagaal culus oo ilaa saakay ka socda Galgaduud | Akhri faah faahinta

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo saacado badan qaatay, ayaa weli ka soconaya deegaanno hoos yimaadda gobolka Galgaduud.

 

Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Ciidammada ayaa lasoo sheegayaa in ay gacanta ku dhigeen dhowr deegaan oo ay kamid yihiin ; Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa, kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Gal-mudug.


Dagaalka oo bilowday subaxnimadii saakay, ayaa lagu soo warramayaa in weli  uu ka socdo aaggagaasi, iyada oo  ciidammada dawladdana lasheegayo inay ku sii dhawaanayaan deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas oo Al-shabaab gacanta ku hayaan 10 sano.

 

Wali lama xaqiijin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan saacadaha badan socdya, hase yeeshee warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa ku warrantay in ciidammadu ay jab weyn gaarsiiyeen Al-shabaab.

Back to top button