FeaturedSomali News

Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidammada Soomaaliya iyo Kenya.

 

Warar ka imanaya soohdinta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sheegaya in subaxnimaddii saaka uu dagaal khaasare geystay dhexmaray ciidamada millateriga Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee kusugan magaalooyinka xadka kuyaalla ee Beled-xaawo iyo Mandheera.

 

Hal askari oo katirsan ciidamada Kenya, ayaa lasheegay in uu ku dhaawacmay dagaalka oo muddo saacado ah socday.

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in  Ciidamadii Kenya ay iskaga bexeen fariisimihii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay xadka gobolka Gedo iyo Mandheera, gaar ahaan magaalada Beled-xaawo.

Xaaladda ayaa hadda lagu soo warramayaa in ay tahay mid deggan, iyadoo ay ku sugan yihiin goobta ciidamada dawlada Soomaaliya.

 

Ilaa iyo hadda  lama oga sababta dhalisay dagaalkan u dhexeeya ciidamada kenya iyo Soomaaliya ee ku sugan xadka labada dal.

Back to top button