FeaturedSomali News

Dalalka Soomaaliya taageera, oo ka aamusay heshiiskii doorashooyinka.

 

Waddammada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha doorashooyinka, ayaa ilaa hadda ka aamusan oo aan wax aragti ah ka dhiiban heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee dhawaan laagu gaaray magaalada Muqdisho.

 

Beesha caalamka, ayaa hore ugu baaqday in shirka ay u dhammaystirmaan dhammaan maamullada Soomaaliya iyo madaxda dawladda federaalka ah, hase ahaate  majirto wax aragti ah oo caalamku ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirka iyo weliba magcaabista raysal wasaaraha cusub.

 

War-saxaafadeed ay beesha caalamku soo saartay 14 –kii bishan September, ayay ku baaqday in shirku noqdo mid laysu tanaasulo isla markaana ay madaxdu soo saaraan qodob fududaynaya qabsoomidda doorashooyinka.

 

Back to top button