FeaturedSomali News

Dalka Mali, oo madaxweyne loo dhaarinayo kadib Inqilaabkii Millateriga.

 

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga waddanka Maali, ayaa maanto oo Jimce ah lagu wadaa in loo dhaariyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi. Kadib markii millaterigu uu xilka ka tuuray madaxweye Ibrahim Boubacar Keïta.

Bah Ndaw, oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga, ayaa waxaa soo xushay hoggaamiyaha ciidanka sameeyay af-gembiga, Korneel Assimi Goita, si uu u sii haayo xukunka inta laga qabanayo doorashada.

Korneel Goita ayaa noqon doona madaxweyne ku xigeenka.

 

Waxaana lagu wadaa in dawladda ku meergaarka ah ee cusubi ay xukunka waddanka  Mali sii hayso muddo 18 bilood ah.

 

Talaabadan, ayaa loo arkaa in ay jawaab u tahay baaqii urur-goboleed Dhaqaalaha Bulsha Galbeedka Africa ee magaciisa loo soo gaabiyo  ECOWAS , oo soo jeediyay in la magcaabo xukuumad rayid ah oo dalka ku dabaasha ku dhaqanka dastuurka iyo kala dambaynta.

 

Back to top button