Somali News

Danjire Yuusuf Garaad oo laga helay Covid19

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa xaqiijiyay in uu ku dhacay caabuqa Covid19.

Yuusuf ayaa qoraal uu ku daabacay Facebookgiisa ku sharraxay sida loga helay, waxa uu dareemayo iyo farriin uu la wadaagay bulshada Soomaaliyeed.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid.

Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray.

Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday.

Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo.

Urta iyo dhadhenkuna waa ii wanaagsan yihiin.

Waa Allah mahaddiis.

Waxaan galay is keliyeyn ama karaantiil si aanan Aadane kale u qaadsiin.

Rabbi ha iga xijaabo khatarta cudurkaan igu helay dhul shisheeye.”

Back to top button