FeaturedSomali News

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo markii ugu horeysay Afka Carabiga lagu qoray [Sawirro]

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka   Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad lagu daah-furayay Barnaamijka Dastuurka KMG ah oo Carabi lagu qoray,  waxaana  ka soo qeybgaleen Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka  Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa ka warbixiyay hawshii soo qabsoontay ee la xiriirtay in Carabi lagu qoro Dastuurka KMG ah, isagoo ka qeybgalayaasha u soo bandhigay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah oo loo turjumay Afka Carabiga.

Waxaa isna munaasbadda ka hadlay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Xamud Bin Samraan oo sheegay inay dadka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin caawinaad joogta ah, gaar ahaana inay door muuqda ka qaadan doonaan hawlaha dhameystirka Dastuurka dalka.

“Waxaan u mahadcelinayaa guddiga Soomaaliyeed ee muddo afar bil ah ka shaqeeyay in Dastuurka KMG ah ee  loo turjumo Afka Carabiga. ayuu yiri Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay carabiyaynta Dastuurka.

“Marka hore waxaan ka mahadnaqeynaa dedaalka iyo waqtigii uu Safiirka Jaamacadda Carabta geliyay barnaamijka carabiyaynta Dastuurka; waa howl muhiim ah oo dhaxal u ah dadka Soomaaliyeed. Luqadda labaad ee dalka waa afka-carabiga sida uu Dastuurka uu qorayo, waxaanu ka shaqeyneynaa in Dastuurka uu noqdo mid Afka-carabiga muhiimad siiya” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Wasiir Ku-Xigeenka ayaa Safiirka ka gudoomay nuqul kamid ah Dastuurka KMG ah ee JFS oo ku qornaa Afka-Carabiga.

No automatic alt text available.

Image may contain: 2 people, people standing and text

 

 

Close
Close