FeaturedSomali News

Dawladda Itoobiya,oo dacwad argagixiso kuu oogaysa Jawar Mohammed.

 

Siyaasaga mucaaradka Oromiya ee Jowhar Moxamed, ayaa lasheegay in uu wajahayo dacwadda eedo argagixiso oo ay ku soo oogtay dawladda federaalka ah ee Itoobiya.

Eedaha, ayaa la xidhiidha rabshadihii ka dhashay dilkii fannaankii Oromada ahaa ee Hachalu Hundessa oo lagu toogtay badhtamaha magaalada Addis Ababa.

Dacwadda ka dhanka ah Jowhar Moxamed, ayaa lashaaciyay Sabtidii todobaadkan iyada oo lala xiriirinayo rabshadihii ka dhashay dilkii fannaankaas caanka ah  iyo muddo haraaddo looga soo horjeedo dawladda uu hoggaamiyo Dr. Abiy Ahmad.

Dawladda, ayaa sheegtay in rabshadahaas ay ku dhinteen in kaban 180 qof.

Dacwadda  ka dhanka ah Jowhar Moxamed oo ka soobaxday xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Itoobiya, ayaa lasheegay in ay ku jiraan ilaa 20 qof oo kale oo looga shaki sanyahay in ay abaabuleen rabshadaaasi.

Back to top button