FeaturedSomali News

Dawladda Mareykanka, oo ku baaqday in afgarad laga gaaro arrimaha lagu muransanyahay ee doorashooyinka.

 

 

Safaaradda Maraykanku  ku leeyahay dalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka, waxa ay ku sheegtay in Villa Somalia ay uga mahad celinayso in ay magaalada Muqdisho isugu keento maamul-goboleedda xubnaha ka ah Dawladda federalaalka, si heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka.

 

Waxa ay qoraalka ugu madahad celisay madaxweynaha Galmuduga Axmad Cabdi Kaariye Qoor-qoor, doorkii hoggaamineed ee uu ka qaatay shirarkii Dhuuso-mareeb, 1. 2, iyo 3 – ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

 

Safaaradda Maraykanka, ayaa ku baaqday in Dawladda Federaalka ah iyo maalmullada xubnaha ka ahi ay is af-garad ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee dalka Soomaaliya.

Back to top button