FeaturedSomali News
Mareykanka oo masaafurinaya qaxoonti Soomaali ah iyo aragtida Ilhaan Cumar

Dawladda Mareykanka, ayaa lasheegay in ay waddo qorshe lagu masaafurinayo tobannaan qof oo ah qaxoonti Soomaaliyeed oo sharci darro ku jooga waddankaasi.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa arrinkan ku dhaleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka.
Xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga, ayaa qaxoontiga la masaafurinayo sabab uga dhigtay cabsida cudurka coronavirus.
Qoraal kooban oo ay ku baahisay barteeda Twitter-ka, ayaa Ilhaan Cumar waxa ay ku sheegtay in laanta socdaalku ay waddo tallaabo cawaaqib xumo ku noqon karta qaxoontiga Soomaalida qaar kamida oo la rabo in dib loogu celiya dalka Soomaaliya.
Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka, ayaa kasoo horjeeda qorshahan lagu masaafurinayo qaxoontiga.