FeaturedSomali News

Dawladdu ma u jawaabtay,ciidamada gadooday ee xirtay waddooyinka Muqdisho ?

Ciidammo gadoodsan oo ka cabanaya mushahar la’aan, ayaa maalintii shalay ee Arbacada, waxa ay xirteen qoybo kamid waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Taallada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere ilaa isgoyska Jubba,ayaa xirteen ciidamada oo ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay kasoo dareereen garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile.

Waxa ay sheegeen in ay usocdaa xarunta NISA oo uu ku suganyahay agaasimaha Hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

 

Ilaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda, loomana jawaabin ciidammada ka cabanaya mushahar la’aanta.

 

Back to top button