FeaturedSomali News

Dawladdu maxay katiri dilka 5 wadaad oo dablay hubaysani laysay ? | Akhri Xogtan.

Sii’hayaha xilka  ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed dhacdo foolxun oo lagu laayay  culumaa’udiin Qur’aan ku akhrinaysay  degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayaa Guuleed ku sheegay in uu aad uga argagaxay dhacdada nuucan ah. Waxaana kuwa dilka geystay uu ku tilmaamay qaar aan fahamsanayn qiimaha nafta Bani Adamka gaar ahaan culimo u diinka.

“Culimadu waxay kamid tahay dadka biri-mageydada ah,  waxayna leeyihiin tix-gelin dheeraad ah ” Ayuu qoraalkiisa ku sheegay kusimaha Raysal Wasaaruhu.

Waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay tacsiyaynayso ehelada culimadaas lallaayay, isaga oo ballan qaaday in caddaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay arrintaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la wadaageysaa guud ahaan ehelada culimada la laayay” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

 

Subaxnimad hore ee Khamiistan maanta, ayaa degmada Raage-ceelle lagu laayay ilaa shan wadaad oo ku sugnaa dugsi Qur’aan ku yaalla degmadaasi.

Back to top button